
Orodyahanka Britain, Mo Farah ayaa maanta dhigay rikoodh cusub oo British ah mar uu orday Bupa London ee 10,000m.
Farah, ayaa ku orday 27 daqiiqo iyo 44 Sec tartanka 10 km, isagoo ka dheereeyey Micah Kogo, oo reer Kenya ah oo haysta rikoodhka orodkaas.
Mo Farah, oo ka tirsan kooxda Newham iyo Essex Beagle iyo Kogo ayaa in mudo ah is barbar ordaayey.
Hase yeeshee, Markii ay 2 km orodka ka hadhay, ayaa Kogo in door ah ka hor maray Farah.
Laakinse Farah oo haysta horyaalka orodka 3, 000m ee garoomada dedan, ayaa adkaysi muujiyey, oo ka hor maray Kogo markii 200m orodka ka hadhay.
Mo Farah ayaa sheegay in uu maanta si fiican u orday, oo uu is-hubay oo kalsooni weyni ka muuqatay, isagoo dhowaan ka soo noqday tababar uu ku qaatay dalka Kenya, oo ay Kogo wada tababaranayeen.
waxa uu sheegay in uu jecel yahay in uu London ka ordo, oo uu helo taageerada dadka.
Wuxuu hada Mo Farah isha ku hayaa orodka 10km ee reer Yurub ee todobaadka soo socda la qab
No comments:
Post a Comment