Wednesday 26 May 2010

Shariif Xasan oo sharaxan















Wasiirkii hore ee maaliyada ee DKMG Shariif Xasan Sh. Adan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyenimada baalramaanka.

Shariif Xasan Sheekh Adan oo isagu ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadii wasiirka maaliyadda ayaa VOA-da u sheegay in maadaama uu kursiga guddoomiyenimadu uu banaan yahay isaguna uu khibrad leeyahay ay taasi ku kaliftay inuu ka mid noqdo musharrixiinta u taagan guddoomiyaha baarlamaanka.
Shariif Xasan wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay inuu ku guulaysan doono tartanka, isagoo ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka inay codadkooda ku taageeraan.
Shariif Xasan wuxuu beeniyay inuu mas'uul ka yahay khilaafka hadheeyay baarlamaanka ee sababay is-casilaadii guddoomiyihii hore Adan Madoobe.
Dhinaca kalena Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa isna VOA u sheegay inuu wali yahay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee sharciga ah ee baarlamaanka Somalia. Prof. Dalxa wuxuu sharci darro ku tilmaamay in guddoomiye-ku-xigeen la soo doorto.

No comments:

Post a Comment