
Iyadoo diyaar garow iyo olole loogu jiro doorashada dhawaan ka dhici doonta Somaliland ayaa maanta waxa dhoollatus sameeyay taageerayaasha xisbiga talada haya ee Udub.
Kumanaan taageerayaasha xisbiga talada haya ee UDUB ee Somaliland ayaa isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa.
Isu soo baxay ayaa waxa uu ahaa dhoollatus taageerayaasha xisbiga UDUB ee Hargeysa ay ku muujinayeen taageerada xisbigooda ee doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay qabsoonto 26ka bishan June.
Isu soo baxan waxaa ka qayb galay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Xigeenka Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yaasiin, oo ah Musharraxiinta UDUB ee doorashasda.
Hadallo ayay labaduba ka jeediyeen Fagaarahaasi oo aad u xamaasad badnaa.
No comments:
Post a Comment