Thursday, 3 June 2010

Dil ka dhacay England









Ilaa 12 qof ayaa ku dhintay, 25 kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii nin taksiile ah oo ku hubaysan 2 qori, uu bilaabay inuu toogtoogto cid kasta oo ka soo hor baxda, isaga oo aan u kala aabbo yeelin muddo 3 saacadood ah.
Taksiilaaas waxa magaciisa lagu sheegay Derrick Bird, waxanu ahaa 52 jir. Boolisku waxay sheegeen inuu ku hubaysnaa 2 qori

Dilkani waxa uu ka dhacay degaanka West Cumbria oo ka tirsan gobollada Waqooyi-Galbeed ee England. Waxanu ka soo bilaabay magaalada Whitehaven oo uu ku diley taxsiile kale oo ay wada shaqaynayeen, ka dibna waxa uu bilaabay inuu daaqadda baabuurkiisii oo uu wadey ka toogto cid kasta oo ka soo hor baxda.

Boolisku waxay sheegeen in markii danbe ay heleen meydkii taksiilaha Derrick Bird oo la rumaysan yahay inuu isagu isdiley oo uu istogtey.

Ilaa iyo hadda waxa socda baadhitaankii shilkan, dadka dhaawaca ahna waxa la sheegay i 3 qof ay aad u il daran yihiin.

Ilaa iy hadda ma kala cadda sababaha iyo ujeedada ka danbeeyey dilalkan ula-kaca ahaa. Waxase la sheegay in Derrick Bird qoyskiisa uu ka dhex jirey ama ka dhex taagnaa khilaaf iyo muran weyni.

Boqoradda dalkan Ingiriiska, Queen Elizebeth, ayaa sheegtay inay ka xun tahay, lana wadaageyso tiiraanyada dilkani degaanka Cumbria.

Dalkan Ingiriiska, dilka noocan ahi waxa la sheegay inu yahay kii gu darnaa, uguna weynaa, ilaa 10 sano ee ugu danbeeyey.

Haysashada hubka gaarka ah ayaa aad loo adkeeyey dalkan Ingiriiska, sanadihii 1987 iyo 1996, ka dib markii dilal noocan oo kale ah oo dadweyne ay ka kala dhaceen koonfurta England iyo goboka Scotland

No comments:

Post a Comment