Sunday 19 June 2011

Ra'iisal wasaaraha Somalia oo iscasilay



Shir jaraa'id oo magaalada Muqdisho ay maanta wada jir ugu qabteen madaxweyanha dowladda kumeelgaarka, Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisal wasaare, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa ra'iisal wasaaruhu kaga dhawaaqay inuu shaqada ka tegayo, isagoo qaddarinaya danaha ummadda Soomaaliyeed iyo waqtiga adag ee dalku marayo. Ra'iisal wasaaruhu waxaa uu mahadnaq u jeediyay xubnaha dowladda, ciidammada dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen muddadii lixda bilood ahayd ee u xilkaas hayay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay waxaa uu ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi uga mahad celiyay shaqadii fiicnayd ee uu qabtay intii uu xilka hayay. waxaana uu madaxweynu halkaas ka sheegay inuu kusime u magacaabay ra''isal wasaare kuxigeenkii Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas.

24kii saac ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho joogay wafdi saraakiil sare oo milateriga dalka Uganda ka socda oo kulammo la yeeshay madaxweynaha, ra'iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaas oo la filayo inay ka wada xaajoonayeen sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada kampala ee ku saabsanaa xallinta khilaafka dowladda kumeelgaarka soo kala dhexgalay

No comments:

Post a Comment