Tuesday 28 June 2011

Rra'iisal wasaaraha cusub oo la dhaariyay


Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas ayaa maanta loo dhaariyay jagada ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu baarlamaanku ansixiyay magacaabiddiisa. Ra'iisal Wasaare Cabdiweli,waxaa hadda looga fadhiyaa in uu soo dhiso dowlad tayo leh, waxna ka qaban karta xilliga kala guurka ah ee lagu jiro.
 Ra'iisal Wasaarahan waa kii saddexaad ee uu magacaabo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed tan iyo 2009. Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan, oo natiijada ku dhawaaqay, ayaa sheegay in fadhiga baarlamaanka ay ka soo xaadireen 443 xubnood, ayna oggolaadeen 337

No comments:

Post a Comment