
shan Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay afduubaan markab xamuul siday oo marayay Gacanka Cadan ayaa la saarayaa maxkamad.
Kooxdan Soomaalida ah ayaa haddii lagu helo danbiga loo heysto waxa lagu xukumayaa xabsi gaaraya 12 sano.
Burcad badeeddan Soomaalida ayaa waxa qabtay sanadkii hore markab dagaal oo Denmark laga leeyahay, iyagoo xilligaasi watay doomaha dheereeya.
Burcadda Soomaalida ayaa in ka badan 200 weerar ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee marta xeebaha Soomaaliya sanadkii 2009.
No comments:
Post a Comment