
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed ayaa sheegay in shirkii ku dhamaaday Istanbull uu ahaa shir muhiim ah.
Madaxweynaha Puntland waxa uu taas sabab uga dhigay ka soo qeybgalka ergada shirka oo uu sheegay inay aad u ballaarnaayeen, taasina uu ku tilmaamay inay muujineysay sida ay muhiimada u siinayaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee shirka isugu yimid.
Waxa uu sheegay in maamulkiisa ay halkaasi ku soo bandhigeen barnaamij la xiriiray horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, oo aad loola dhacay, kaasi oo uu sheegay inay ka qeybqaadanayaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa dibeddaba.
Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed waxa uu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay shirka lagu qabtay magaalada Istanbul ee ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ee looga hadlayay xaaladda Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment