Thursday 27 May 2010

Shabaab oo weerartay Keny










Wararka ka imanaya Waqooyi Galbeed Kenya ayaa sheegaya in maliishiyo ka tirsan kooxda Islaamiga ee al-Shabaab inay weerartay magaalo ku taala gudaha waddanka Kenya oo la yiraahdo Dadajabula.
Saddex qof ayaa wararku sheegayaa in ay halkaasi ka afduubeen, shan qof oo kalena ay dhaawaceen.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in maliishiyada ay isticmaalayeen qoryo iyo bambooyinka gacanta, markii ay soo weerareen magaalada xalat.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in dhacdadan ay ku soo beegantay toddobaad kadib markii al Shabaab ay ku hanjabtay inay ka jawaabi doonto haddii Kenya ay sii waddo tababarka ay siineyso Soomaalia la sheegay inay la dagaallamayaan kooxaha Islaamiyiinta.

No comments:

Post a Comment