Thursday 27 May 2010

Xaaladda Paul iyo Rache









Labo qof oo British ah oo burcad badeed Soomaaliyeed ay afduubeen toddobo bilood ka hor ayaa mar kale waxa ay codsi u soo jeediyeen dowladda cusub ee Britain.

Wareysi video ah oo Paul iyo Rachel Chandler laga soo qaaday ayaa waxa ay ka codsadeen Raiisul wasaaraha cusub ee Britain David Cameron in dowladdiisu ay kala cadeyso inay gacan ka geysanayso sii deyntooda iyo in kale.

Weriye Jamaal Muxumed Cismaan oo soo wareystay lamaanayaasha Britishka ah ayaa waxa uu sheegay in ragga burcad badeedda ee heysta ay jaha wareeriyeen si uusan u ogaan meesha ay joogaan.

Waxa uu sheegay in uu ka baxay magaalada Cadaado oo ay wareejiyeen kadibna meel duur ah ugu geeyeen labada qof ee British ah, oo ku tilmaamay in xaaladooda ay u muuqatay mid ka wanaagsan sidii hore.

Weriyuhu waxa uu sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay, inkastoo uu yiri in Rachel mar lagu garaacay qori oo ilig uu ka jabay.

Jamaal waxa uu sheegay in nimanka heysta aanay wax shuruud weyn ah ku xirin inuu arko oo wareysi uu la yeesho.

Labada qof ee British-ka ah ayaa bishii October ee sanadkii hore waxa burcad badeeddu ka afduubeen iyaga oo marayay meel u dhaw xeebaha jasiiradda Sychelles.

No comments:

Post a Comment