
Shariif xasan Shiikh Adan ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah.
Shariif Xasan wuxuu ku guuleystay 217 cod.
Halka Mudane Cabdi Xaashi oo ku soo xigay uu helay 143 cod.
Xilkani wuxuu bannaanaaday ka dib markii, Shiikh Adan Maxamed Nuur, uu xilka iska casilay.
Shariif Xasan Shiikh Adan waa markii labaad ee derejadan loo doorto intii ay jirtay TFG.
Shariif Xasan waxaa lagu yaqaan in uu yahay nin dhiirran, mowqifkiisana ku adkeysta.
Markii hore waxaa uu darajada waayay ka dib markii ciidammada ethiopia ay galeen dalka Soomaaliya isaguna diiday in uu dalka ku laabto.
Shariif Xasan, waa siyaasi hore uga qeyb qaatay khilaafyo fara badan oo siyaasadeed oo uu qaarna la galay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf iyo Raiisal Wasaarihiisii Cali Maxamed Geeddi, qaarna uu la galay madaxda hadda jirta sida Shiikh Aden Maxamed Nuur.
Maxaa dhici kara?
Shariif Xasan waxay wax badan wadaagaan Madaxweynaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Ma aha in ay isku magac yihiin oo keliya ayna koofiyado isu ay eg qaataan.
Badiyaa kuma kala haraan saffarada dibadda iyo weliba qaabbilaadda madaxda shisheeyaha.
Waxay wada deggan yihiin Madaxtooyada.
Ilaa iyo hadda waxay ahaayeen xulufo wadaag aad isugu dhow.
Aala Shiikh
wadaaddada ku xeeran Madaxweynaha oo sheegta in ay yihiin xertii Shiikh Maxamed Macallin ayaa waxay dagaal aan qarsoodi lahayn la galeen Shariif Xasan Shiikh Adan.
Kuwooda baarlamaanka xubnaha ka ah ayaan qarsan dagaalkaas.
Haddaba su'aashu waxay tahay xulafada Madaxweynuhu sidee weerar ugu qaadi karaan saaxiibka ugu weyn xagga siyaasadda ee Madaxweynaha?
Taas waxaa macnaheedu ahaan karaa in Madaxweynuhu aanuu ku raacsanayn in Shariif Xasan aanay Madaxweynaha meel u wada socon ama in ay wadaaddadan siyaasadda ku jiraa ay Shiikh Shariif taladiisa dhinac mareen.
Labada midda ay tahayba waa arrin miisaan siyaasadeed saari karta TFG.
Raiisal Wasaaraha
Tallaabada doorashadan xigta waxay noqon doontaa waxa laga yeelayo mustaqbalka xukuumadda uu Madaxda u yahay Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu xilka ka qaaday Ra'iisal Wasaaraha, kadibna markii uu malahaa yaqiinsaday in aan tallaabadaasi wafaaqanayn dastuurka ayuu ka noqday.
Si kastaba ha ahaatee, Cumar Cabdirashiid intii qalalaasaha siyaasadeed socday waxay isku dhinac ka soo wada jeedeen Shariif Xasan, oo hadda awooddiisii loo sii kordhiyay.
Haddii ay dhacdo in la dhaqaajin waayo Cumar Cabdirashiid waxaa ugu yaraan dhici doonta in xilka laga xayuubiyo Wasiirro dhowr ah oo iyagu h kooxda dagaalkii ay ku jireen lagu jebiyay.
Dhabbahaugu sahlan ee loo soo mari doonaana waa hirgelinta heshiiskii lala galay Ahlu Sunna.
Si kastaba ha ahaatee, mar haddii Shariif Xasan oo lagu yaqaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan nasiino lahayn, isla markaana ah nin aad ugu xeel dheer siyaasadda Soomaaliya ka socotay sanooyinkan dambe, welibana xiriirka ugu dhow la leh dalka deriska ah ee Ethiopia, hadda loo doortay xilkan, waxaa hubaal ah in siyaasadda TFG ee fadhiidka ah aanay sideedii hore ahaan doonin.
Su'aashu waxat tahay yaa ku guuleysan doonaa nashaadkaas siyaasadeed ee ay khasabka tahay in uu billowdo?
Xagguuse caga dhigan doonaa?
No comments:
Post a Comment