Tuesday, 1 June 2010

Hogaamiye Alqacida oo la dilay











Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in nin ka mid ka madaxda sare ee Alqacida ay diyaaradaha Maraykanka ku dileen Pakistaan.
Mustafa Abu al -Yazid oo loo yaqaano Sheikh al Masri ayaa lagu dilay bishii May gobolka u dhow Afganistaan.

Warbixin ay Alqacida ku soo saartay boginternetka ee ay leeyihiin ayay ku xaqiijiyeen dhimashadiisa.

Mustafa Al-Yazid ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa ninka ugu sareeya Alqacida ee u qaabilsan dhinaca lacagta, uuna ahaa ninka loo soo maro hogaamiyaha Alqacida Osama bin Ladin.

Sidoo kale waxaa la aaminsan yahay, inuu dhiibay lacagtii lagu qaaday weerarkii 9/11 eelagu qaaday New York iyo Washington

No comments:

Post a Comment