Tuesday, 1 June 2010

Weerarka Israel












Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa amar ku bixiyay, in Israel ay samayso baaritaan madaxbanaan oo deg deg ah weerarkii Commandoska Israel ay ku qaadeen markab gar gaar oo u socda Gaz.

Ciiamada Commandos-ka Israel ayaa xoog ku galay lix maraakiib oo wada socday, oo isku deyayey in ay dhaafaan xayiraada dhinaca badda ee saaran Gaza, oo ay cunto gaadhsiiyaan.

Ciidamada israel ayaa sheegay in ugu yaraan 10 dadkii maraakiibta la socday la dilay, lana dhaawacay lix ciidamada marine-ka Israel ah, ka dib markii ay u baxeen maraakiibta iyagoo dayuuradaha heliocopterka kaga soo degay.

Afhayeen u hadlay dawlada Israel ayaa sheegay in rasaas maraakiibta lagaga soo riday, oo mindiyo iyo bistoolado la isticmaalay.

Turkiga ayaa cabasho xoog leh arintaas ka jeediyey, waxayna ku tilmaameen mid aan la qaadan karin, waxaana wasaarada arrimaha dibada looga yeedhay safiirka israel Turkeyga u jooga.

Hayad Turkey ah ayaa maraakiibtan soo qaban qaabisay, dadka maraakiibta la socday badankooduna waxay ahaayeen dad Turkey ah.

Dad cadhaysan ayaa isugu soo baxay duleedka qunsuliyada Israel ku leedahay Istanbu

No comments:

Post a Comment