Thursday, 10 June 2010

K'naan iyo Koobka adduunka






Jimcaha, waxaa dalka Koonfur Africa si rasmi ah uga bilaabanaya koobka adduunka ee kubadda cagta, oo ah kii ugu horeeyay ee abid lagu qabto dal African ah.

K'naan Cabdi Warsame, oo ah fanaan caalami ah oo haysta dhalashada Canada, balse ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa ka mid ah fanaaniinta ka heesi doona furitaanka koobka adduunka, caawana wuxuu ku jiraa fanaaniin caalami ah oo riwaayad u dhigaya ka soo qaybgalayaasha ciyaaraha adduunka oo ay ka mid yihiin ciyaartoyda dhowr iyo sodon dal oo ku tartamaya koobka kubadda cagta adduunka.
K'naan BBC-da ayuu uga waramay ka qaybgalkiisa ciyaaraha adduunka.

Waxaa loo bandhigay su'aalo ay soo gudbiyeen dhagaystayaasha BBC Somali, oo uu ka jawaabayo, waxaa ka mid ah in uu astaan muujinaysa Soomaalinimo la tagi doono masraxa iyo goobta uu ka heesi doono.

Ciyaaraha adduunku, waxay furmayaan Jimcaha oo ah 11-ka June, 2010; waxaana ay soo dhamaanayaan 11-ka July, 2010.

No comments:

Post a Comment