Tuesday, 8 June 2010

Wasiirro is casilay

Wasiirka Tacliinta Sare Maxamed Cabdullaahi Omaar oo hadda London jooga ayaa is casilay.
Xasan Macallin, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa isna casilay.

Wasiirka uu ilaa bishii April ku sugnaa magaaladan London, BBC wuu u xaqiijiyay in uu is casilay, hase yeeshee, ugama warramin sababta.

Wararka Muqdisho naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Wasiiru Dowlaha Difaaca, Yusuf Siyaad Indhacadde uu isaguna is casilay.

Saddexda Wasiir oo is casilay laba waa niman ku dhow dhow Madaxweynaha oo dowladda dhinaciisa ka soo galay.

Xasan Macllin wuxuu ahaa gacan yarihiisa maalmihii uu Shiikh Shariif ku jiray Olalaha doorashada iyo markii uu Madaxweyne noday labadaba.

Ka dib wuxuu u dallacay Wasiiru Dowlaha, waxaana lagu tirayaa intii Shiikh Shariif xilka hayay in uu Xasan macallin ka mid yahay ragga xogta ugu badan u xafiday.

Yusuf Siyaad Indhacadde waxay Shiikh Shariif wada shaqeynayeen ilaa iyo berigii Maxkamadaha oo Indhacadde uu madax u ahaa ciidanka.

Markii uu Madaxweynuhu hadda ka hor sheegay in uu shaqada ka fariisiyay Ra'iisal Wasaaraha, wuxuu Indhacadde ahaa Wasiirka keliya ee si aan qarsoodi lahayn u eedeeyay raiisal Wasaaraha.

Ugu yaraan hal Wasiir oo kale ayaa la sheegay in uu isaguna is casilay.

Lama yaqaan sababta ay Wasiirradu isu casileen.

Laba ayay mid noqon kartaa.

In ay ka saluugeen waxqabad la'aanta dowladda iyo in tani ay tahay shirqool loogu dan leeyahay in looga takhaluso Ra'iisal Wasaaraha.

No comments:

Post a Comment