Saturday, 12 June 2010

Xafladda Koobka Adduunka




Dad dunida dacalladiisa ka kala yimid oo midab walba leh ayaa xafladda fadhiya.

Kooxaha fanka iyo dhaqanka ayaa halkaas ku soo bandhigaya heeso, cayaaro iyo dhoolatus fan oo aad u sarreeya.

Nelson Mandela oo ka qeyb geli kari waayay, waxaa uu kula hadlay farriin video ah.

Xataa Desmond Tutu ayaa ka muuqday oo cayaaraya.

Labaduba waa hoggaamiyayaal heer caalam ah, oo ku guuleystay billadda

Shaashadaha telefishinka ayaa caalamka oo dhami ka daawanayaa munaasabaddan oo ah mid runtii muddo dheer laga sheekeyn doono.

Koofur Afrika waxay muujisay heerka ay ka joogto abaabulka iyo hamsami u socodka munaasabaddan aad u ballaaran.

Taas oo ah wax qiiro gelinaya dhammaanba shucuubta Afrika.

Magaalooyinka waaweyn ee caalamka waxaa qaarkood laga abaabulay shaashad aad u weyn oo meel fagaare ah taalla oo ay dadku wadajir uga daawanayaan.

Fagaaraha Trafalgar ee magaaladan London ayaa ka mid ah.

Fagaarahaas waxaa isugu soo baxay dad badan oo cayaarta halkaa wadajir ugu daawanaya, isla markaana fannaaniin ayaa ka tumesay intii aan xafladdu billaaban.

Calanka Koofur Afrika ayay dad badan oo goobtaa joogaa ay wataan.

Bartani waxay idiin ballan qaadeysaa in aad mar walba kala socon karto wararka Koobka Adduunka

No comments:

Post a Comment